Maxaa ka jira in Sheekh Shaakir isaga baxay Guriceel, xaguu aaday?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo ciidamo uu hogaaminayo ayaa lasoo sheegayaa inay iskaga baxeen magaalada guriceel ee gobolka gal gaduud.

Sheekh iyo ciidamo galbinayey ayaa uruqaansaday dhinaca deegaanka Huurshe kadib culeys la saaray magaalada guriceel oo labo todobaad ay Ahlusuna kusugnaayeen ciidnakooda.

Barakac xoog leh ayaa ka socda guriceel taasoo shacabku ay cabsi ka qabeen in korkooda lagu dagaalamo sidaasna ay uga qaxeen xaafadahooda.

Weli guriceel ciidamo katirsan Ahlusuna ayaa kusugan kuwaas oo difaacyo dagaal ka qodanaya duleedka magaalada iyo meelaha laga soo galo guriceel.

Warar ayaa sheegaya in ciidamo iyo gaadiid dagaal ay Ahlusuna weysay kuwaas oo ku biiray ciidamada dawlada ee kusugan deegaanka ceel dheere.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta guriceel xilli ciidamada huwanta ah ee Dawlada iyo kuwa daraawiishta galmudug ay kulaalayaan Guriceel sheegeena inay qabsan doonaan saacadaha soo socda.