Maxaa ka jira in weriye Coldoon lagala baxay xabsigii uu ku xirnaa?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar hadda naga soo gaaray maamulka iskiisa ugu dhawaaqay Madax banaanida ee Somaliland ayaa sheegaya in Samafale/ Wariye Cabdimaalik Coldoon in lagala baxay xabsiga Mandheera oo uu ku xirnaa.

Qoraal lagu daabacay Page-ka Wariyaha ayaa sheegaya in xitaa aan la aqoonin halka lala aaday islamarkana laga soo waayay Maxkamadii gobalka.

Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay iney qarineyso Kiiska Coldaan iyadoo ay socdaan dadaalo larabo in lagu sii daayo, waxaana jirar warar sheegaya in Somaliland ay dooneyso iney dal shisheeye u gacan geliso wariyaha.

Cabdimaalik, ayaa la xidhay laba toddobaad ka hor mana ahan markii u horraysay ee xabsiga la dhigo.

Dadka dhaliila ayaa ku eedeeya in uu badanaa soo bandhigo “dhaliilo iyo eedaymo aan caddayn ku filan lahayn”, badanaana uu ka hadlo “wax aan khusayn.”

Halka kuwo kale ee taageeraana ay u arkaan “shakhsi xaq u dirir ah oo difaacaya diinta Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan”