Maxaa ka jira in Xilka qaadis lagu sameynayo Taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo Taliyaha lugta?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dawladda Soomaaliya ayaa isbadel kusameysay inta badan taliyeyaasha laamaha amniga si kala duwan iyadoo xilalka uga qaaday saraakiishii hogaamineysay waxaana dhawaan la filayaa in la dhameystiro kuwa kale ee la bedelayo.

Warbaahinta qaar ayaa ogaatay in xilka qaadis lagu sameeyn doono maalmaha soo socda Taliyaha ciidamada xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha ciidanka lugta General Maxamed Tahliil Biixi.

Inkastoo ay howlgalo lagula dagaalamyo argagaxisada al shabaab ay ku mashquulsan yihiin ayaa sabab ka dhigtay in sanad ku dhawaad ay lasii shaqeeyaan Dawladda dalka ka jirta.

Labadaan sarkaal ee Odawaa iyo Biixi waxay ahaayeen saaxiibo dhaw kuwo la ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana dhanka kale lagu amaani karaa duulaanka Shabaab looga saaray deegaano badan 8-da bil ee Xasan Sheekh Dalka uu hogaaminayo.

Todobaad ka hor waxaa golaha Wasiirada ay bedeleen Hanti dhowrihii Qaranka Maxamed Cali Afgooye,todobaadkii ka horeeyey Taliyihii Booliska General Xijaar ayaa xilka laga qaaday waxaana hadda miiska saaran Odawaa & Biixi oo iyaguna xilka qaadista wajahaya.

Saraakiisha iyo dadka xilalka loo magacaabayo ayaa inta badan waxay aad ugu dhawaayeen xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud waana kuwo ololihii dib udoorashadiisa si uun uga soo qeyb qaatay.