Maxaa ka jira in xubno ka tirsan NISA ay shirqooleen Ikraan Tahliil, una gacan geliyeen Al-Shabaab?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ikraan Tahliil Faarax oo mudd ka badan labo bil la la’yahay ayaa waxaa la shaaciyey inay u gacan gashay kooxda argagixisada ee Al-Shabaab, sida ay sheegen saraakiil amni oo la hadlay VOA.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in xubno ka tirsan NISA ay shirqooleen Ikraan, islamarkaana u gacan geliyeen Al-Shabaab.

Ma cadda weli haddii NISA ay ogaatay xubnahaas, iyo tallaabada laga qaaday haddii la aqoonsaday.

Xogtaan ayaa kor u sii qaadeysa walaaca laga muujinayo in Al-Shabaab ay si weyn ugu dhex milmatay hay’addaha dowladda, maadama gabadha lagu watay gaari ka diiwaan gashanaa hay’add kamid ah kuwa dowladda.

Barnaamijka Bandhigga VOA oo toddobaadkan si gaar ah diirada loogu saaray kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxaa lagu shaaciyey in Al-Shabaab ay u wateen Ikraan Tahliil gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan Dhoobley.

Hoos ka dhagaysto