Maxaa ka jira warka sheegaya in Musharax Mustaf Dhuxulow lagu xiray Hargeysa

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow lagu xiray magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Wariye Khaalid Foodhaadhi oo ka mid ah Wariyeyaasha ugu caansan Somaliland ayaa ii sheegay in Mustaf Dhuxulow lagu xiray garoonka diyaaradaha Hargeysa.

“Saldhigga ku yaalla Garoonka diyaaradaha Hargeysa ayuu Mustaf Dhuxulow ku xiran yahay, sida ay ii xaqiijiyeen saraakiisha booliska ee garoonka”ayuu yiri Khaalid Foodhaadhi.

Lama oga illaa iyo hadda safarka Mustaf Dhuxulow inuu ahaa mid uu u qasday oo toos ahaa iyo inuu garoonka diyaaradaha Hargeysa Transit ku ahaa.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Somaliland oo ku aadan warka sheegaya in la xiray Xildhibaan Mustafa Dhuxulow.

Somaliland oo sanadkii 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya ayaa waxay deegaanadeeda ka mamnuucday Siyaasiyiinta dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka soo jeeda deegaanadeeda ee ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.