Maxaa ka ogtahay Masuulka loo qorsheeyey inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka 11-aad?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo dhowaan loosoo doortay xildhibaan golaha shacabka ayaa shaaciyay in uu u taaganyahay qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka 11-aad.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in uu leeyahay khibrad iyo waayo-aragnimo la xiriirta shaqadan, islamarkaasna uu doonayo in uu soo celiyo heybaddii aqalka, waa sida uu u sheegay warbaahinta gudaha.

Guddoomiyihii hore ee Baaralamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo hada katirsan Xisbiga Himilo Qaran ayaa ah qofka aadka loogu saadaalinayo inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya. Sheekh Aadan ayaa ah nin siyaasadiisu ay dagan tahay, wuxuuna leeyahay waayo aragnimo siyasadeed oo horey ugu soo hogaamiyey Baarlamaankii 8aad.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in sida uu sharciga qabo in qofkasta oo noqda Guddoomiyaha Baarlamaanka uu iska casilo xisbiga uu katirsan yahay marka uu guuleystay, sidookalena uu noqdo qof dhexdhexaad ah, isaga oo soo xigtay qodobka 65-aad.

Dhowaan ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo doorashada xildhibaanada, waxaana la billaabi doona dhaarinta iyo shahaado siinta xildhibaanada cusub, kadib waxaa si toos ah loo guda-geli doonaa doorashada Guddoonka cusub ee Baarlamaanka 11-aad.