Maxaa ka socda Baydhabo, Ma ogtahay shirqoolka siyaasadeed ee Villa Somalia?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Munaasabada lagu maamuusayo xuska sanad guurada 3aad ee markii la doortay Madaxweyne Lafta gareen ayaa caawa lagu qabanayaa magaalada Baydhabo Janaay.

Lafta gareen ayaa ah siyaasi xiddig ka noqday Nabad iyo nolol marka loo eego sida dhul seexashada leh uu kusoo galay dhinacyo xisbigaasi la dagaashanaa.

Villa Soomaaliya ayaa kaga faa’iideysaneysa xuska lafta gareen ee baydhabo ka dhaceysa in lagu kala saxiixdo xildhibaanada doorashada iyo arimaheeda.

Villa Somalia ayaa adeegsatay arrin cajiib ah kadib markii loo xilsaaray madaxweynaha koonfur galbeed.

Siciid Deni iyo xubno ka ag dhaw ayaa sheegay in ay jiraan qorshe Lafta gareen uu damacsan yahay balse ay dhuuxi doonaa waxa lala hor yimaado.

Maalmo ka hor lafta gareen ayaa heshiis gaar ah lasoo galay Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland,hadana Siciid Deni oo madaxweynaha Soomaaliya inuu isku sharaxo doonaya ayaa laga shukaaminayaa shuraako siyaasadeed oo dhanka xildhibaanada golaha shacabka ah ee Puntland ka imaanaya.

Hore Farmaajo waxa uu ugu tashanayey Xildhibaanada Gobollada wuqooyi,Kuwa Banaadiriga,Xildhibaanada ka imaanaya K/Galbeed,Hirshabelle iyo Galmudug,labadii Maamul ee dagaalka kala dhaxeeyey Puntland & Jubbaland ayaa iyaguna hadda la doonayaa in lasoo xero geliyo.

Inkastoo waxa la adeegsanayo yihiin siyaasad hadana lacag iyo xeelad la dejinayo ayaa lagu kala adkaan doonaa,balse rajo ahaan dib udoorashadiisa Farmaajo ayaa ah mid aad usareysa.