Maxaa kajira in Cali Guudlaawe uu ku xayiran yahay Beledweyn?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta lagu waday inuu dib ugu laabto Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulkaas, balse waa uu ka baaqday.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in sababta uu Cali Guudlaawe dib ugu laabanayo ay aheyd in xal laga gaari waayey khilaaf soo kala dhex-galay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba-gabeed.

Saacado sii horeysay ayaa waxaa magaalada Beledweyn buux dhaafiyey gaadiidka dagaalka mucaaradka iyada oo dagaal dhacay ay ku dhinteen ugu yaraan 6 lix.

Dooddan ayaa dhalay kadib markii Guudlaawe uu codsaday saddex maalin uu ku tago Jowhar, isaga oo dib u dhigay doorashada xildhibaannada, taasi oo laga diiday, muuqatana in hadda la doonayo inuu qasab ku qabto doorashada kuraasta harsan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in wada-hadal lagu dhammeeyay khilaafkii la xiriiray doorashada kuraas ka tirsan Golaha  Shacabka ee soo kala dhex-galay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Daba-gabeed, kaasi oo maalmo taagnaa.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalintii shalay aheyd ka dhacay dagaal sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasi oo salka ku haayay khilaafka ka dhashay kuraas ka tirsan Golaha Shacabaka