Maxaa kajira in Cumar Filish xil ka qaadis lagu sameyn doono, yaa lagu bedelaya?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu go’aansaday inuu xilka ka xayuubiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Ilo wareed madax banaan ayaa sheegaya in Gudoomiyaha cusub ee gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho loo wado labo nin midkood oo ah General xasan maxamed xuseen Muungaab ama Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Labaduba waxay ahaayeen kuwo xilkaan hore usoo qabtay mana cada sida ay uga dabaalan karaan xaalada adag ee Gobolka ka jirta iyo arinta kusaabsan dhulka dawlada ee la iibsanayo.

Cumar Filish oo ah gudoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa waxa uu warqado siiyey dad sheegay in lacago ay kaga baxday.

Khilaafkaasi dhulka dawlada ee la bixiyey ayaa laga yaabaa in uu xilkiisa ku waayo duqa Muqdisho Cumar Filish oo saacadihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayey.