Maxaa kajira in Lafta-gareen hub keyd u ahaa Koonfur Galbeed u qeybiyey beeshiisa?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Koonfurt Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa la sheegay in uu amray in hub keyd u ahaa maamulka loo qeybiyo beeshiisa, si ay u difaacaan hadii ay soo weerarto dowladda Federaalka.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in hubka uu u qeybiyey Beeshiisa loogu talo-galay ciidamada Koonfur Galbeed dhameysta tabababarka ay bixiyaan saraakiisha UK, balse lama oga jawaabta ay bixin karto safaarada Ingiriiska oo hubka iyo tababarkaba ay bixineysay.

Cabdicasiis Lafta gareen iyo kooxdiisii Nabad iyo Nolol ayaa guuldarada siyaasadeed kala kulmay doorashadii 15 MAY ka dhacday Soomaaliya waana sababta ka danbeysa in hubkaasi galo gacan maleeshiyo beeleed si uu isugu difaaco Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Arrintaan oo dood ka dhex dhalisay shacabka iyo maamulkaba ayeysan jirin cid ka hadashay sababo la xiriira baqdin ay ka qabaan in la bartilmaameedsado ama inay xilkooda weyn doonaan.

Senator Ilyaas oo katirsan Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay in Cabdcasiis Laftagareen iyo Koonfur Galbeedba aan duulaad lagu aheyn balse marka uu Cabdicasiis dhameysto muddo xileedkiisa loo tartami doono xilka Madaxweynaha.