Maxaa kajira in Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan yahay dalka Eritrea?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar la helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu aadi doona dalka Eritrea waxaana halkaas uu kula kulmi doonaa madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki.

Sababta Madaxweyne Xasan Sheekh u aadi doono dalka Eritre ayaa ah dalka dib ugu soo celiyo 5,000 oo kamid ah askarta Soomaaliyeed oo Farmaajo uu sheegay in halkaas loo geeyay tababar ciidan.

Dowladda Farmaajo ayaa ku guul dareesatay iney ciidankan oo tababraka dhameestay in dib dalka loogu soo celiyo kuwaa oo si qarsoodi ah loo qoray waxaana xusid mudan in xitaa waalidiintooda oo Banaabaxyo dhigayay ay ku guul dareesatay dowladda iney lahadasho oo ay qanciso.

Xasan Sheekh ayey u tahay guul siyaasadeed soo celinta ciidankan waxaana xusid mudan inuu horay u ballan qaaday in ciidankan uu soo celin doono.

Dhanka kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmahan soo socda safar ku tagi doono dhammaan magaalo madaxyada  maamul goboledyada dalka ayaa safar kabaxsan Soomaaliya aadi doono.

Xasan Sheekh oo hadda ku sugan Baydhabo ayaa u sii safri doona Dhuusomareeb kadibna Garoowe waxaana safaradiisa ugu dambeeya uu ku tagi doonaa Jowhar iyo Kismaayo.

Ujeedka safarada madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu sheegay iney tahay safarkii Nabadda iyadoo madaxweyne Xasan uu wado tareenkii Nabadda.