Maxaa Kajira in Malleyshiyaad Hubeysan ay la wareegeen Xerada Lama-galaay?

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Magaalada Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa lasoo sheegayaa in Malleyshiyaadkaasi Hubeysan ay la wareegeen Xerada Lama-galaay, waxaana Sawiro iyo muuqaallo lasoo duubay ay muujinayaa Ciidamo hubeysan oo ku hubeysan hubka kala duwan, sidoo kalena wata gaadiid dagaal, kuwaasi oo la wareegay lama-galaay.

Ciidanka ayaa ka gadoodsan hannaanka lagu wado doorashada kursiga Hope059, kaasi oo lafilayo maanta lagu doorto Baladweyne.

Wali wax iska hor imaad ah lama soo sheegin, balse xaaaladda ayaa ha mid kacsan, maaddaama mar waliba ay Ciidanka ammaanka iyo malleyshiyaadka hubysan isku dhici karaan.

Kursiga Hope059, ayaa waxaa horay ugu fadhisay Samiira Xasan Cabdulle, waxaana wararka qaar sheegayaan in Malleyshiyaadkaasi aysan ku qanacsaneen, hannaanka kloo marayo doorashada kursigaasi.