Maxaa kajira in shisheeye Afrikaan ah ay ka garab dagaallamayaan Tigrayga?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dagaalyahanno shisheeye ay ka qeyb qaateen weerarrada ay xooggaga Tigray maalmihii la soo dhaafay ku qabsadeen magaalooyin ka tirsan gobolka Amxaarada.

Khudbad uu u jeediyay madax sare oo ka tirsan xukuumaddiisa isla markaana laga sii daayay telefishinka, ayaa Abiy oo u muuqday inuu ka hadlayay qabsashada xooggaga Tigray ee magaalooyinka muhiimka ah ee Dessie iyo Kombolcha waxa uu yareystay guulaha ay gaareen xoogaggaas.

“Waxaa jiray dad caddaan iyo madow isugu jiray oo ka garab dagaallamay xooggaga TPLF, kuna dhintay dagaalka,” ayuu yiri Abiy oo aan faahfaahin dheeraad ah iyo caddeyn toona soo bandhigin.

Xooggaga Tigray ayaa sheegay inay deegaanno badan ka qabsadeen ciidanka federaalka Itoobiya, isla markaana ay duulaanka si wada jir ah u fulinayaan jabhadda Oromo Liberation Army.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa tilmaamay inay wax ka khaldami karaan xeeladda dagaal, balse ugu dambeyn uu dalkiisa guulaysan doono, taasoo loo fasiray inuu dagaalka sii wadi doono.

“Tan iyo markii aan ka soo baxnay gobolka Tigray afar bilood ka hor, dagaallada aan galnay waxa ay gaarayaan boqolaal,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxa uu dhaliilay qaabka loo maareeyay askarta soo ajiibtay baaqiisii ahaa in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah xooggaga Tigray.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in hogaanka TPLF uu doonayo inuu xukunka Itoobiya si xoog ah kula wareego, isla markaana uu dadkiisa ka dhigo kuwa ka sarreeya qowmiyadaha kale ee Itoobiya.

Waxa uu ku eedeeyay xooggaga Tigray in dhalinyaro ka badan 100 ay ku xasuuqeen magaalada Kombolcha, eedeyntaas oo uu beeniyay Getachew Reda oo ah afhayeenka xooggaga Tigray, kana tirsan saraakiishooda sar sare.

Colaadda ka socota Waqooyiga Itoobiya ayaa billaabantay 4-tii Nofembar 2020, kadib markii uu Abiy Axmed amray ciidamada federaalka inay duullaan ku qaadaan ururka TPLF oo xoog ku qabsaday taliska waqooyi.