Maxaa Kajira In Xildhibaanada Baarlamanka Muddo Sanad Ah Loogu Kordhiyay Aqoonsiyadooda?.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya muddo hal sano ah loogu kordhiyay kaararka aqoonsiga oo ka dhacay ama waqtigiisu ka dhammaday.

Tariikhda aqoonsiga Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku ekaa 27-ka December ee sanadkaan.

Arrintaan ayaa ka dhigan in Xildhibaanada Baarlamaanka ay jiritaankooda lagu daray hal sano oo dheeraad ah, lkn su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah hadii la billaabayo doorashada xildhibaanada cusub xagee ayey ka shaqeyn doonaan xildhibaanada waqtigooda dhammaaday mar hadii Xildhibaano cusub lasoo magacaabayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa marhore sheegay in Baarlamaanka 10-aad uu sii jiri doonaan illaa laga helo baarlamaan beddala.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa asna waxaa u harsan 43 maalin oo keliya walina ma jirto doorasho la isku raacsan yahay.