Maxaa kala qabsaday Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray dowlad-goboleedka Puntland, kaasi oo diidmo uga muujiyeen dhaq-dhaqaaqyada la xiriira shidaalka Soomaaliya ee ay waddo dowladda federaalka.

Iagoo hadal u jeedinayay kulan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ayaa  sheegay inay jiraan dad dagaal adag kala horyimaada marka lagu dhaqaaqo arrimo la xiriira horumarka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa yiri “Waxaa go’aan inaga ah sanadkaan in aan furno waxkasta oo fursad ah (shidaal) oo ka jira dalka, qeylo iyo buuq badana waa maqli doontan laakiin waxaa rabnaa mid Soomaaliya wax u tarta inay noqoto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

sidookale wuxuu hadalkiia ii raaciyey “Awoodeena iyo fahamkeena hadba intuu gaarsiisan yahay waa in aan socodsiina, aayado quraan ah iyo wacdi soo dagaya ma aha hadey qaldan yihiin beri qofkii inaga dambeeyow sax oo toosi, laakiin in albaabkaas la furi waayo waa diidanahay.”

Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya fulinta sharcigaan oo ay sheegtay Puntland inay aad uga xun tahay sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u wajaheyso fulinta sharcigaan iyo in lagu deg-dego ka ganacsiga kheyraadka dalka, sida hadalka loo dhigay.

Puntland ayaa sidoo kale uga digtay dowladda federaalka inay joojiso fulinta sharcigan aan waafaqsanayn dastuurka dalka, kaasi oo keeni kara xasillooni darro hor leh oo dalka ka dhalata, waxna u dhimi kara hannaanka dhismaha dawladnimo, ugu dambayntiina hurin kara kacdoon shacab iyo rabshado, sida qoraalka loo dhigay.