Maxaa kasoo baxay kulankii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Qoyska Ikraan Tahliil?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan isagoo la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay.

Weli Shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka dhursugaya go’aanka uu qaadan doono Rooble marka ay dhamaato 48-dii saac uu uqabtay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roible waxaa uu ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay.

Inkastoo aan laga hordhici karin go’aankaasi hadana waxa lagu qanci karo sida ay ehelada gabadhii la dilay Ikraan tahliil ayaa ah in xilka laga qaado Fahad Yaasiin iyo saraakiisha ka ag dhaw Kiiskaana lagu maxkamadeeyo.

Rooble ayaa sheegay in kadib 48 saac uu go’aan ka gaari doono tallaabada uu qaadayo ee la xiriirta kiiska Ikraan.