Maxaa keenay in Danjire Tarsan uu isaga baxo kulan Madaxweynaha Kenya ku marti qaaday  safiirada dalkiisa?

NAIROBI-AYAAMAHA-Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa ka baxay Kulanka kagadaal markii Dawladda Kenya kulanka kucasuuntay xubno kasocda Somaliland, gaar ahaana u qaabilsan dalka Kenya, una aqoonsatay Safiirnimo, sidaas oo kalena lays bar-bardhigay Kuraasta ay fariisanayaan labada dhinac, waxaana madasha waxaa la keenay Calanka Soomaaliya iyo kan Somaliland oo isbarbar-yaalla.

Taas oo kadhigan in ay Kenya u aqoonsato Dal kamid ah dalalka ay casuuntay ee safiirada, taas oo ay ka carootay dawladda Faderaalka  Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya Ee Kenya Danjire Tarsan ayaa kabaxay shirka, waxaan fariin deg deg ah uu soo gaarsiiyey Villa Soomaaliya, taas oo ay safaarada Soomaaliya ku cadeynayso ficilada Kenya ee ka dhan ah madax banaanida dalka.

Kenya, xariirka ay la leedahay Soomaaliya ayaa xumaa 4-tii sanno ee lasoo dhaafay sababo la xariira kuxadgudubka Dhulka, Hawada iyo Badda Soomaaliyeed, waxayna Nairobi horey u doonaysay in ay qaadato qeyb kamid ah Badda Soomaaliya, taas oo aysan wali aqbalin go’aankii Maxkamadda ICJ kasoo baxay sanadkii hore.