Maxaa keenay in hadda Guddi uu magacaabo Madaxweyne Farmaajo,? Maxaadan ogeyn oo ku gadaaman kiiskaan?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay guddi uu sheegay inuu soo baari kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Guddi baaritaan ku sameeya Kiiska Ikraan Tahliil ee u magacaabay madaxweyne Farmaajo ayaa kala ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo saddex xubnood oo ay soo magacaabayaan Taliyeyaasha Ciidamada sida Booliska, Xoogga dalka iyo Nabadsugida.

Tallaabadan ayaa loo arki karaa in Madaxweynaha uu labo ujeeddo ka leeyahay.

  1. Mida koowaad ayaa ah inuu Kiiska kala wareego Ra’iisul Wasaaraha
  2. Inuu isaga meyro eedda maalmahan loo jeedinayay ee ahaa inuu hortaagan yahay cadaaladda Kiiska Ikraan.

Magacaabidan ayaa ku soo aaday, iyadoo Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ay qabatay gal dacwadeed ka dhan ah madaxda Hey’adda NISA, iyadoo Madaxweynuhu uu Guddiga uu magacaabay ku soo daray mid ka mid ah Hey’addii dacwada laga gudbiyay ee NISA.

Sidookale wareegtada Madaxweyne Farmaajo waxaa ku qoran in guddiga baaraya Kiiska Ikraan uu xubin ka mid ah soo magacaabayo Taliyaha NISA

Waxyaabaha muranka badan dhaliyey ayaa wa a kamid ah:- Taliyahee ayaa soo magacaabaya Ma Kusimaha uu magacaabay Farmaajo mise Agaasimaha KMG uu magacaabay Ra’iisul Wasaarahe ee Bashiir Goobe waa kee Taliyaha?

Horey ayaa waxaa u jiray guddi uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble oo kiiskan baara, hase yeeshee ay waxba kasoo bixi waayeeen kadib markii ay hay’adda NISA oo lagu tuhmayo dilka Ikraan ay la shaqeyn weysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kadib armay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada inay kiiskan baarto, taasi ooh adda ku guda jirta.

Maadaama arrinta Maxkamad loo gudbiyay oo Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ay qabatay dacwada ay qoyska Ikraan soo gudbiyeen, kuna filan tahay inay baarto.

Tallaabadan ayaa loo arkaa isku day kale oo madaxweyne Farmaajo uu ku hor-istaagayo in Maxkamadda Ciidamada ay baarto kiiskan, islamarkaana dadka lagu tuhmayo, oo ay ku jiraan madaxda sare ee NISA la horgeeyo maxkamadda.