Maxaa keenay in Mahad Salaad uu durba Mushaar kordhiyo u sameeyo Saraakiisha iyo Shaqaalaha NISA ?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad oo la magacaabay 26-kii May 2022, ayaa durba kor u qaaday dhammaan mushaaraadka ay qaataan Saraakiisha, Ciidamada iyo howlwadeenada kale ee ka tirsan Hay’adda.

Agaasime Mahad oo goobjoog u ahaa duruufaha hareeyay Saraakiisha iyo Ciidamada NISA ayaa go’aansaday inuu kordhiyo xuquuqda si sare loogu qaado dareenka qeybaha ka hoos shaqeeya Hay’adda, iyadoo taasi looga golleeyahay in si hufan loo guto waajibaadka shaqo.

Markii ugu horaysay ayaa Mushaarka Saraakiisha iyo ciidanka Hay’adda NISA waxay la mid noqdeen mushaaraadka ciidamada kale ee Qaranka, halka markii hore ay ka hooseeyeen.

Hadaba eeg isbadallada lagu sameeyey Mushaaraadka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hey’adda NISA:

1- G/le Markii hore waxa uu Mushaar u qaadan jiray 400$,halka hada laga dhigay 500$.

2- Jaamici waxa uu qaadan jiray 300$, halka hada looga dhigay 350$.

3- Qofka wata Shahaado Dugsi sare markiisii hore waxa uu qaadan jiray mushaar dhan 200$, hadana waxaa looga dhigay 300$.

4-Mudane ama shaqaalaha caadiga ah ee aan shahadada heysan waxa uu qaadan jiray 150$, waxaana iminka looga dhigay 200$.

5- Askariga dablaha waxa uu mushaar ahaan markii hore loo siin jiray 150$, balse hada waxaa looga dhigay 200$.

Sidoo kale Taliyaha Hey’adda NISA Mahad Salaad ayaa go’aamiyay in askarta iyo saraakiisha hey’adda ee geeriyooda ay qoysaskooda xuquuq ka heli doonaan dowladda, halka markii hore aysan laheyn wax xuquuq ah.

Mushaar kordhinta ciidanka, saraakiisha iyo howlawadeenada hay’adda ayaa ka danbeeyay kadib markii dib u eegis lagu sameeyay shaqsiyaad badan oo hey’adda aanan u shaqayn oo dhaqaale badan qaadan jiray iyo kuwa kale oo qaadan jiray xuquuq ka badan inta ay xaqa u leeyihiin.

Maalmo kahor ayaa Baraha Bulshada waxaa lasoo geliyey in agaasimaha Hay’adda sirdoonka Qaranka Mahad Salaad uu mushaarkii ka jartay shaqaalaha iyo saraakiisha Hay’adda NISA.