Maxaa ku dhacay shirarkii jaraa’id ee Villa Soomaaliya iyo xogta xilka qaadista Cabdikariim Cali Kaar?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxaa ku dhacay shirarkii jaraa’id ee Villa Soomaaliya?Biloowgii uu xafiiska yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu la yimid dhaqan ugu ku ah hab dhaqanka xafiiska dalka ugu sareeya oo ah in si joogto ah uu afhayeenka u qabto shirar jaraaid, dhaqankaas oo ah mid laga luun-jeexay Aqalka Cad ee Maraykanka.

Wuxuu ahaa dhaqan bogaadin mudan marka laga reebo in uu ahaa mid aanan aad looga fiirsanin, islamarkaasna loogu darnaanayay xukunkii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caan ku ahaa in uusan ka hadal xaaladaha taagan.

Hadda shirarkii jaraaid waa ay yaraadeen, kuwa dhifka ah ee la qabtana waa kuwa horey loosii duubay, iyada oo aanan la bixinin fursado badan oo warbaahinta ay suaalo ku weeydiiso afhayeenka, Cabdikariim Cali Kaar ama xitaa wareysiyo.

Afhayeenka, Cabdikariim Cali Kaar, oo si weyn ugu caan baxay in su’aalaha weriyeyaasha af jigo ama marin habaabiyo moowduuca laga wareysanayo, ayay wararka sheegayaan in gebi ahaanba laga joojiyay qaabkii hore xitaa laga yaabaa xilka laga qaado oo meelkale loo wareejiyo.

Tani ayaa ka dambeysay markii uu warbaahinta u sheegay hadal dhaliyay muran dublamaasiyadeed oo ku saabsanaa Masar, kaas oo uu labo jeer ka bixiyay raaligalin.

Intaasi waxaa dheer in waaxda warfaafinta ee Villada uu ka jiro khilaaf iyo isqabqabsi weyn, illaa heer aysan xitaa wada hadlin afhayeenka iyo agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdiqaadir Cali Dige. Tani waxa ay keentay wada tashi la’aan waaxda dhexdeeda ah iyo dacwo joogto ah, iyada oo la isku qabsado waxa saxaafadda loo gudbinayo.

Muranka ma ahan mid Villada ku eg, wuxuu u taloowsanyahay xafiiska Raisulwasaaraha oo uu joogo Farxaan Jimcaale, kaas oo looga soo guuleystay tartankii loo galay shaqada Villada, markii dambena lagu qanciyay tan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sheekada warbaahinta ee dowladda halkaasi kuma eka, wasaaradda warfaafinta oo uu wasiir ka yahay weriye hore Daauud Aweys ayaa iyaduna la halgamaysa sidii ay u gudan lahayd waajibkeeda warfaafinta iyo wacyigalinta bulshada, iyada oo ciriiri xoog leh iyo isbarbaryaac ay ku hayaan waaxaha warfaafinta ee labada xafiis ee dalka ugu sareeya.

Maanta ayay wasaaradda warfaafinta soo saartay war-saxaafeedkii koowaad oo ay magaca dowladda ku hadlayso, kaas oo looga hadlayay guulaha shacabka iyo ciidanka ka gaareen la dagaalanka Alshabaab.

Inkasta oo ay wasaaradda gacanta ku hayso qalabka warbaahinta dowladda, haddane ma jiro shax cad oo ay ku wada shaqeeyaan xafiisyada dalka ugu sareeya, balse dhibkani waa mid horey usoo jirey.

Waxaa dhacda in wasaaradda ay warbaahinta maxaliga ah ka maqasho war weyn oo dowladda iyo dalka quseeya, kaas oo marka dambe isaga oo cajal lagu wado inta loo keeno loo sheego in ay faafiyaan.

Arrimahan oo dhan wuxuu mugdi weyn sii galinayaa kaalintii wakaaladda wararka SONNA oo hadda kusoo uruurtay in ay faafiso wararka loo yaqaano ‘War La Qabo, Xiiso Ma Leh’, maadaamaa meel kasta laga siidaayay.

Waxa ay waxaani oo dhami dhacayaan xilli aanan weli la ansixinin xeerkii saxaafadda oo qoraya Guddiga Saxaafadda oo 9 xubnood ka kooban, kaas oo haddii loo dhiibo dadka mudan laga yaabi lahaa in uu dejiyo qorshe hawleed lagu wada shaqayn karo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagama maarmaan in la helo warfaafin madaxtooyo masuuliyad ka muuqato, oo aanan ku tiirsanayn dad baraha bulshada caan ka ah oo muuqaalo marin habaabin ah hoosta looga soo dusiyo, taasi badelkeedana si dhab ah usoo celisa xiriirkii madaxtooyada iyo bulshada.