Maxaa Kursiga Hop#058 ka dhigay midka ugu loolanka adag?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa Maanta oo Isniin ah Magaalada Beledweyne ku qabanaya doorashada kursiga Hop#058 oo ay ku tartamayaan musharrixiin farabadan.

Shalay ayaa qorshuhu ahaa in Magaalada Beledweyne lagu qabto doorashada Kursiga Hop#058 balse loo baajiyay sababo dhanka Amniga ah, waxaana musharrixiinta Maanta ku tartamaya doorashada ay kala yihiin.

Kursigan Hop#058 ayaa kamid noqonaya kuraasta loolankooda uu adkaan doono, waxaana socda qorshe lagu doonayo in kursigaas lagu dhaafiyo taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe oo kamid ah xubnaha ugu cad cad ee loo saadaalinayo hanashada kursigaas.

Sanbaloolshe ayaa kursigan hore ugu guuleystay sanadkii 2016, balse waxa uu iska wareejiyay markii Farmaajo uu u magacaabo taliyaha NISA, xilkaasoo bilooyin yar kadib laga qaaday, iyadoo booskiisiina uu qaatay xildhibaan Nuur Iidoow Beyle.

1: Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

2: En, Yoonis Maxamed Nuur.

3: Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

4:Cabduqaadir Xuseen Coloow.

5: Maxamuud Afdhuub Makaraan

6: Cabdullaahi Axmed Xuseen

7: Ubax Cali Sheegow