Maxaa Kusoo Kordhay Kulankii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Deni.

GAROOWE-AYAAMAHA-Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland waxaa kulan uga socda Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka labada Masuul waxaa weheliya madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda FS Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta dowladda Federaalka ah iyo Puntland, Arrimaha doorashooyinka iyo qodobbo kale.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa kasoo horjeystay guddiga doorashooyinka ee ay dowladda federaalka magacaawday, waxaana la ogeyn in Saciid Cabulaahi Deni uu aqbali doono dalka Rooble ee ah in Puntland ay ogalaato guddiga Dowladda federaalka magacaawday lana xaliyo tabashada Maamulka Puntland.