Kenya ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado inuu ka soo baxa maxkamadda caaalamiga ah ee ICJ, kaas oo aaddan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya, Macharia Kamau, ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan u hoggaansami doonin go’aanka ka soo baxi doono maxkamadaasi.
Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go’aankeeda soo saarto Talaadada soo socota ee 12-ka bishan Octoobar.
Haddii Kenya ay diido go’aanka Maxkamada ICJ ayaa khubarada arrimaha Badda waxaa ay sheegayaan in Maxkamada ay qaadan karto tallaabo ka dhan ah Kenya, taas oo ugu horreyso in Kenya cunaqabateen lagu soo rogo, ayadoo kaa shaneyso Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey.