Maxaa laga filan karaa xuska 12-ka April ee aadka loo hadal haayo?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaarada gaashaandhiga dalka ayaa shaaca ka dhigtay in munaasabad ballaaran oo lagu xusayo maalinta aas aaska ciidanka xoogga dalka ay qaban doonaan.

Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka ayaa waxay sheegeen in diyaar garow ballaaran ay ugu jiraan xuska maalinta 12-ka April.

Waxaa si habsami leh u socota qaban-qaabada munaasabada lagu xusayo 62-sano guurada ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sanad kasta 12-ka Abriil, ciidanku waxay u dabaal-degaan dhalashadooda, iyagoo sameeya dhoola-tusyo ciidan iyo xaflado waaweyn.

Ma cada in cabsidii laga qabay afgembiga berri dhici karo iyo inkale inkastoo taliska meliteriga ay beeniyeen arintaasi in la diyaarinayo.

Dadka siyaasada falanqeeya waxay sheegayaan in Farmaajo & fahad wax kasta oo suurta gal u ah ay sameyn karaan balse ay ku adkaan doonto in si fudud ugu dhawaaqaan Afgembi dalka la geliyo.