Maxaa laga helay guriga madaxweynaha Maraykanka oo 4 saac la baarayey?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Bayaan uu soo saaray ayuu qareenka Mr Biden ku sheegay in baaritaanka Arbacadii uu ahaa mid “qorsheysan” iyadoo madaxweynaha uu “taageero buuxda ka ahaa”.

Baaritaanka guriga oo socday ku dhawaad afar saacadood ayaa wuxuu la xiriiray baaritaan ballaaran oo ku saabsan maaraynta dukumentiyada xasaasiga ah.

FBI-da kama aysan hadlin baaritaanka. Maadaama aysan jirin amar baaritaan, ee uu ahaa ogolaansho uu madaxweynuhu bixiyey.

Qareenka Mr Biden, Bob Bauer, ayaa sheegay in baaritaanka la sameeyay “iyadoon wax ogaysiis hore ah loo siin dadweynaha” si loo dhowro “amniga shaqada iyo sumcadda”.

Ka dib baaritaanka – oo socday inta u dhaxaysay siddeedii subaxnimo iyo bar ilaa 12-ka duhurnimo wakhtiga maxalliga ah ee Maraykanka – ayaa Mr Bauer wuxuu sheegay in “wax dukumeenti ah oo ku suntan sir; aan laga helin guriga”.

Qaar ka mid ah “qalabka iyo qoraallada gacanta lagu qoray” oo u muuqda inay taariikhda inta Mr Biden uu ahaa madaxweyne ku xigeenka ee u dhaxaysay 2009 iyo 2017 ayaa loo qaaday “dib u eegis dheeri ah”, ayuu Mr Bauer sii raaciyay.

Baaritaanka ayaa ah kii ugu dambeeyay baaritaanno isdaba joog ah oo laga sameeyay meelo kala duwan, kadib markii dukumiintiyo sir ah laga helay Xarunta Penn Biden – oo ah meel xafiis – oo ku taal Washington DC bishii Nofembar. Tan oo markaas aan dadweynaha loo soo bandhigin.

Baaritaanno la sameeyay bishii Disembar iyo Janaayo ayaa Dukumiintiyo badan lagaga helay guri kale oo Mr Biden uu leeyayah kaas oo ku yaal Wilmington, Delaware,.

Tirada saxda ah ee diiwaannada sirta ah ee la helay ayaan weli caddayn – in kasta oo ugu yaraan daraasiin la helay intii lagu jiray baadhitaannada bishii dhamaatay ee Jannaayo oo keliya.

Mr Biden waxa uu sheegay in kooxdiisu ay samaysay “waxa ay ahayd in ay sameeyaan” iyaga oo si degdeg ah ugu wargaliyay saraakiisha, iyo in ay si buuxda ula shaqaynayaan baaritaanka.

Ka dib baaritaanadii ugu horreeyay ee Janaayo, Mr Biden wuxuu u sheegay saxaafadda in galalku ay ku jireen garaash qufulan.

“Ma aha in ay jidka iska yaalleen,” ayuu yidhi.

Baaritaankii ugu dambeeyay ayaa imaanaya maalin kadib markii la taliyaha gaarka ah Robert Hur uu si rasmi ah u bilaabay shaqadiisa kormeerka baaritaanka dukumentiyada.