Maxaa lagu xusuustaa ganaraal Faxaan Qaroole?

Waxa uu sannadkii 1991-kii ku dhashay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee SOS ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu ifka uga tagay saddex xaas oo u dhalay 7 wiil iyo 2 gabdhood. Wuxuuna ahaa madi, sida laga soo xigtay hooyadii.

Bishii Febaraayo ee sannadkii 2011-kii ayuu u biiray ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda. Ciidankan ayuu ku jiray ilaa 2017-kii.

Ka dib waxa loo baddalay ciidanka booliska markaas oo uu noqday taliyahii koobaad ee ciidanka Haramcad, isla sanadkaas ayaa laga dhigay gaashaanle horana wuxuu u ahaa kabtan.

Mar kale sannadkii 2019-kii ayaa waxaa loo dalacsiiyay Gaashaanle Dhexe ka hor inta aan 2021-kii loo dalac siinin Gaashaanle sare.

Wuxuu xilka taliyaha booliska Gobolka Banaadir qabtay bishii April ee sannadkii 2021-kii, markii awoodda laga xayuubiyay taliyihii hore ciidanka booliska Banaadir, Saadaq Joon.

25-kii bishi Diseemabar ayuu Madaxwenihii hore ee Soomaaliya u dalacsiiyay sareeye guuto isagoo garaadaha ugu xiray xafladdii sannad guuradii ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Waxyaabaha lagu xusuusto waxaa ka mid ah inuu dadka ka soo badbaadin jiray marka ay ku go’doomaan goobaha ay Shabaab weeraraan, meelahaas waxaa ugu caansan weerarkii hotel Ambasador sanadkii 2016, iyo weeraraadii Liido ee hotel Elite iyo sidoo kale Saxafi iyo Xayaat.

Dadka uu farxaan ka soo badbaadiyay weerarkii Xayaat waxaa ka mid ah Nabadoon Xaad. Wuxuu ahaa nin hawl kar aho o shaqo badan.

Wuxuu ahaa nin dagan, dadka soo dhaweeya oo dad ixtiraam badan, ciidankiisana saaxiib la ah, taas oo u horseedday inuu ku guuleysto hogaamintiisa ciidanka.

Alle ha u naxariistee Farxaan ayaa waxaa sidoo kale dad aad ay isugu dhowaayeen inoo sheegeen inuusan dadka caadiga ah iyo ciidankiisuba iskala weyneyn. Sidoo kale wuxuu xariirin jiray waalidka askarta isaga aadka uga dhaw.

FG: Xogtan qaar ka mid ah waxaan ka soo xiganay qof ay Farxaan saaxib dhow ahaayeen oo ka gaabsaday in magiciisa la shaaciyo.

Sanadkii hore waxaa caan baxday kalmadda ah “Igaarkaygii Farxaanoow ka joog, dhiiqaa lugaha laguu galinooyaa”, taas oo uu shir jaraa’id ka sheegay madaxweynaha hadda jooga ee Xasan Sheekh Maxamuud oo markaasi ka mid ahaa madaxda mucaaradka.

Ma ahayn hadal kaftan iyo maad looga gol lahaa, wuxuu Xasan Sheekh ka hadlayay saraakiil ciidan oo lagu eedeynayay in ciidamada ay u horkaceen ku milanka siyaasadda.

Xasan Sheekh oo horraan kamid ahaa mucaaradka Soomaaliyaa ayaa waxaa si weyn loo hadal hayay ‘dignintii uu siiyay’ , isaga oo si gaar ah ula hadlayay taliyaha haatan geeriyooday ee gobolka Banaadir Farxaan Qaaroole kaas oo markaas uun loo magacaabay xilkaas kadib markii taliyihii ka horeeyay Saadaq John uu kasoo horjeedsaday go’aamaddii muddo kororsiga ee dowladdii Farmaajo.

BBC