Maxaa looga hadlay kulamadii xalay ee Ra’iisul Wasaare Xamse uu la yeeshay Sheekh Shariif, Farmaajo iyo kheyre?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee dalka Xamse Cabdi Barre ayaa sallaan ugu tagay Hoyga Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Madaxweynayaashii hore ka dhageystay tallooyin ku aadan howlaha horyaalla, marka uu helo codka kalsoonida Golaha Shacabka.

“Waxaan caawa booqasho iyo salaan ugu tagay madaxwaynayaashii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Waxaana ka dhagaystay madaxdii hore talooyinkooda la xiriira howlaha hortabinta u leh dalkeenna iyo dadkeenna Soomaaliyeed” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.

Madaxweynayaashii 7-aad iyo 9-aad ee dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan dowladdooda, si loo sii amba-qaado dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna.