Maxaa looga hadlay Kulan Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle ku yeesheen Beledweyne?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Xukuumada oo ka qabsoomay Magaalada Beledweyne.

Kulankaan Golaha Wasiirada oo Kusimaha Madaxweynaha shir gudoominayay waxaa ka qeybgalay oo warbixinta xaaladaha Gobolka looga dhageystay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Sidoo kale kulanka Golaha Waxaa looga hadlay

  1. Arrimaha Amniga iyo xasilinta nabadgelyada Deegaanada Hirshabeelle.
  2. Mashaariicyada Horumarineed ee ka socda Hirshabeelle sida ka hortaga fatahaadaha iyo Mashaariicyada kale ee soo socda sidii loo maareyn lahaa oo qorshe mideysan looga yeelan lahaa.
  3. Siyaasadda guud ee Hirshabeelle iyo diyaar garoowga Arrimaha Doorashooyinka ee fooda nagu soo haayo ee heer federaal.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Hirshabeelle ayaa kulanka Golaha Wasiirada warbixin uga dhageystay qaar kamid ah Golaha Wasiirada iyo Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Hirshabeelle oo Golaha uga warbixiyay xaaladaha Amniga ee Hirshabeelle.