Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir Gudoomiyey shirka Gollaha Wasiiradda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Todobaadkan Warbixin looga dhagaystay Wasiiradda Wasaaraddaha Amniga, Gargaarka, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Arimaha Gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Maxamed Isaaq oo ka warbixiyey Xaalada Amniga Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegey in Amniga uu yahay mid wanaagsan Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Gaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay wadaan Howlgalo lagu Sugayo Amniga Deeganada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Caafimaadka Maxamed Cusmaan Xaaji Jiidow oo ay Wehliyaan Howlwadeenada Wasaarada ayaa Golaha Wasiirada usoo bandhigay Dadaalada ay ku bixinayaa gaarsiinta Bulshada Adeegyada Caafimaad ee ay ubaahanyihiin
Wasiirada Wasaaradaha Arimaha gudaha, Gargaarka, Waxbarashada iyo Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa sidoo kale ka warbixiyey howlaha shaqo ee Wasaaraddaha iyo Waxyaabaha uqabsoomay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gollaha Wasiiradda uga Mahadceliyey Dadaalkooda ku aadan sida ay uga goantahay sidii si Cadaalad ah ay ugu adeegi lahayeen Shacabka ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed Waxaana uu Gollaha Wasiiradda ku bogaadiyey inay xooga saaran ugurmashada Dadka ay Abaaruhu Saameeyeen.