Maxaa looga hadlay kulankii Aadan Madoobe & Axmed Madoobe?

Gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay Magaalada Muqdisho madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Kulanka ayaa waxaa laga arinsaday xaaladihii ugu dambeeyey siyaasada iyo abaaraha ka jira waddanka sidii dadka loo caawin lahaa.

HOOS KA AKHRISO QORAAL GUDOOMIYE AADAN MADOOBE SOO SAARAY

Waxaan maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam waxaana ka wada hadalnay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen iyo dagaalka lagula jiro Kooxda nabad-diidka ah Al-shabaab ee deegaanada Jubbaland.