Maxaa looga hadlay kulankii dhexmaray Sh. Aadan Madoobe iyo Laftagareen?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka waxa ay kawada hadleen xal u helista go’doonka saaran deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Laftagareen ayaa soo bandhigay xaaladaha adag ee Deegaannada Koofur Galbeed ka jira sida abaarta, Degmooyinka go’doonka galay oo aanay isu gudbi Karin iyo in xal loo helo sidii looga gudbi lahaa caqabadahaas jira.

Kulanka sidoo kale waxaa fadhiyay Xildhibaanno guud ahaan deegaan-doorashadoodu tahay Koofur Galbeed, dhankooda waxa ay ballanqaadeen in ay ka qayb qaadanayaan inta awooddooda ah sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha jira.

“Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha ayaa iska xog-waraystay Xaalada Dalka iyo sidii wax loogu qaban lahaa Dadka ay saamaysay Abaarta ee ku nool Guud ahaan Gobolada Koonfur Galbeed. Kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada DG Koofur Galbeed.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS ayaa dhankiisa sheegay in uu dareemayo culeyska ka jira DG Koofur Galbeed oo ah Deegaan-doorashadiisa xilli xaalado dhanka nolosha ah ay wajahayaan boqolaal ruux.

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa dhowr jeer ku hanjabay howlgallo wado isu furis ah oo ay iska kaashanayaan Ciidanka Federaalka, kuwa sida gaarka ah loogu tababaray Dowlad-Goboleedkaas iyo Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.