Maxaa looga hadlay Kulankii Gaarka aha ee Golaha wadatashiga Qaran iyo Wakiilo QM?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ee Shirka uga socdo Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqd8sho ayaa qaabilay wakiillo ka socday haweenka Soomaaliyeed oo ay horkaceysay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Xaniifa Xaabsade.

kulanka ayaa waxaa ay kaga wada hadleen xaqiijinta qoondada haweenka ee 30% ee Goleyaasha Baarlamaanka labada Aqal.

Xubnaha Golahada wadatashiga oo ka kooban, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa Maalintii labaad uu shirka u socdaa, iyaga oo ka hadlayaan waxyaabaha ka hirgalay heshiiska doorashada iyo caqabadaha heysta.