Maxaa looga hadlay kulankii gaarka ahaa ee Qoor Qoor iyo lafta gareen?

Madaxweynayaasha Galmidug iyo koonfurgalbeed

MUQDISHO-AYAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hoyga uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo Booqasho ugu yimid.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaalada dalka arrimo doorashooyinka sidii loo daradar gelin lahaa iyo sidii wadashaqeyn u dhexmari laheyd Maamulada Galmudug & Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug booqashda uu ugu yimid.

Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada eek u sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay yeelan doonaan kulamo doceedyo looga hadlayo xaalada dalka gar ahaan arrimaha doorashooyinka.