Maxaa looga hadlay kulankii galabta ee kooxda Nabd iyo Nolol ku yeelatay Villa Somalia?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in  kulan gaar ah uu galabta ka dhacay madaxtooyada soomaaliya oo ay yeesheen xubnaha ugu saameynta badan nabad iyo nolol.

Mahad Cabdalla Cawad,Mahdi Guuleed Khadar,Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiisa dhaw ayaa kulanka ka yeeshay doorashada iyo arimaheeda.

Nabad iyo nolol oo dhaqaale badan ku faaneysa ayaa ka fekireysa sidii ay u iibsan laheyd codka xildhibaanada baarlamaanka soo socda.

Madaxweyne farmaajo ayaa ku dhiiri geliyey xubnaha nabad iyo nolol inay howshooda laba jibaaraan si ay xukunka dib ugu soo laabtaan mar kale.

Mahdi guuleed oo ay saaxiibo dhaw yihiin Farmaajo ayaa ku faanay in ay geed dheer iyo mid gaaban u fuuli doonaan sidii aysan gacantooda kaga bixin.

Baraha bulshada ayaa lagu ballamay in lacag badan ku bixineyso Nabad iyo nolol taas oo maalmaha soo socda la sheegay in olole xoog leh lagu bilaabayo amaanta Madaxweyne Farmaajo iyo waxqabadkiisii afarta sano xukunka soo hayey.

Qof ka mid ah dadka aadka ugu dhuun daloola wararka Xafiiska Farmaajo ayaa inoo sheegay in ay qorsheynayaan sidii xukunka usii joogi lahaayeen.