Maxaa looga hadlay kulankii Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo u qaabilsanaha Midowga Yurub arrimaha geeska Africa?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay wafdi ay hoggaaminayso u qaabilsanaha Midowga Yurub arrimaha geeska Africa (EUSR) marwo Annette Weber oo ay wehlineysay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya marwo Tiina Intelmann.

Kulanka oo looga hadlay xiriirka labada dhinac iyo taageeradda Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo safiiradda sheegtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub sii laba laabidda taageerada dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa dhankiisa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.