Maxaa looga hadlay kulankii Gudoomiye Jawaari iyo Afhayeenka Midowga Midowga Musharaxiinta?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Musharax  Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa goor dhow ku booqday hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho gudoomiyihii ee golaha Shacabka Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaasoo dhawaan loo diiday in uu tartamo doorashada golaha Shacabka.

Hoos ka akhriso.

“Galabta waxaan booqasho sharafeed ugu tagay Guddoomiyihi Hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo xeeldheere siyaasadeed iyo aqoonyahan Soomaaliyeed ah. Booqashadaydu ma ahayn middii ugu horraysay ee aan ugu tago, mar kasta oo aan jeclaysto in aan isbadbadallada siyaasadeed aqoon, caqli iyo waaya-aragnimo aan ka kororsado ayaan isaga u tagaa.

Laakin, booqashadayda galabta waxay ku saabsanayd in aan wax ka ogaado xaaladihi ugu danbeeyay ee ka soo qabsaday hannaan doorashadeedkan gurracan iyo safarki uu Baydhabo ku tagay, waxaana iisoo baxday labo arrimood oo waawayn:

  1. Doorashooyinka in ay ku socdaan hannaan baalmarsan dastuurka, sharciga, qaanuunka iyo sooyaalka suubban ee ay Soomaalida leedahay. Wax la xurmaynaayo oo diin, akhlaaq, mudnaan, ama waayeelnimo ah in aysan jirin!
  2. In Villasomalia ay wali hormuud ka tahay dabindaabyada, iyo duminta hannaanka dimuqraadiyadda, ayna masuul ka tahay hagardaamada Maxamed Sheekh Cusmaan loogu diiday xuquuqda muwaaddin kasta uu leeyahay ee ah in uu xilalka guud ee dalka isu soo sharraxo, oo loo doorto ama wax u doorto.