Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee R/Rooble la qaatay Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay siyaasiyiinta gobolada waqooyi ee Somaliland kuwaas oo kala ah, Mahdi Guuleed, Cadbi Xaashi iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashi, waxaana kulanka looga hadlay in lasoo gabagabeeyo kulamada ku saabsan doorashada Aqalka Sare ee Somaliand.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagub yiri “Iyadoo uu heer gebogebo ah marayo u diyaar garowga doorashada Aqalka Sare ee Xildhibaannada Gobollada Woqooyi (Somaliland), ayuu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la kulmay  Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku boorriyay inay soo gudbiyaan liisaska musharaxiinta Aqalka Sare si bilaabo doorashada xubnaha gobolada woqooyi ee aqalka sare.

Rooble ayaa u xaqiijiyay inuu gacan ku siinayo in doorashadu ku dhacdo si hufan oo caddaalad ah, wuxuuna xusay ineysan jiri doonin kuraas loo xirayo musharaxiin gaar ah, loona tartami doon si cadaalad ah.

Xubnahan ayaa xalay soo saaray habraac u gaar ah doorashada xubnaha aqalka sare ee gobolada woqooyi.

Doorashada xubnaha aqalka sare ku biiraya afarta sano ee soo socota ayaa ka soo dhamaatay inta badan dowlad goboleedyada, waxaana harsan oo kaliya doorashada xubnaha gobolada woqooyi oo la filayo in maalmaha soo socda la bilaabo.