Maxaa looga hadlay Kulankii Maanta Ee RW Rooble Iyo Midowga Musharaxiinta?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ka hadlay kulan Maanta Xarunta Madaxtooyada ku yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Macalimuu oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in kulanka looga hadlay dardar-gelinta iyo hufnaanta doorashooyinka, tabashooyinka jira ka hor shirka lagu wado in uu 27-ka December Muqdisho uga furmo Golaha Wadatashiga Qaranka.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sidoo kale tilmaamay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu kulamo kale la qaadan doono qeybaha bulshada oo ay ugu horreeyaan Ururada Bulshada Rayidka.

Ra’iisul Wasaaraha ayuu sheegay Macalimuu inuu Ururada Bulshada Rayidka ka dhageysan doono talooyin ku aadan doorashada dalka ka hor shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Isniinta soo socota ka furmaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.