Maxaa looga hadlay kulankii Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Galabta waxaa kulan dhinaca khadka Internet-ka ee Aalada (Zoomka) uu la qaatay Xubno kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga warbxiyay horumarka intii uu xilka haayay laga gaaray dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo doorashooyinka socda ee Aqalka Sare iyo diyaar garoowga loogu jiro doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa waxaa ay soo dhoweeyeen Madaxweynaha Hir-Shabeelle dadaalkiisa ku aaddan dhammeystirka doorashada xubnaha Aqalka Sare u matalaya Hirshabeelle iyo dardargelinta doorashooyinka Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa ay ku amaaneen dadaalladiisa joogtada ah ee uu ku gaarayo dhammaan beelaha iyo sida ay uga go’an tahay in la xaqiijiyo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30-ka ah ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhankiisa waxaa uu uga mahad celiyay Wakiilada Beesha Caalamka taageerada ay siiyaan Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle uu si dhow ula Shaqeyn doono.

Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhiya xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa kulamo looga hadlayo dardar gelinta Arrimaha doorashooyinka ay la qaadanayeen Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.