Maxaa looga hadlay kulankii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan sida amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, si la jaanqaadaysa duruufaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ah saaxibo dhanka siyaasadda, iyadoo dad badan aaminsan yihiin in Ismaaciil uu daaha gadaashiisa uu ka maamulo arrimaha Soomaaliya.