maxaa looga hadlay kulankii madaxweyne Deni iyo Gudoomiyaha Gudiga khilaafaadka

GAROOWE-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Garoowe kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Cawil Warsame iyo xubin ka mid ah Guddiga Bashiir Axmed Yuusuf.

Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka ayaa waxaa ay kulankooda uga wada hadleen dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka oo shalay ka bilaabatay Garoowe.

Guddoomiye Maxamed Cawil Warsame ayaa Madaxweyne Deni u sheegay muhiimada ay leedahay in doorasho noqoto mid hufan oo ku dhacda si nabad ah, isla markaana la fuliyo habraacyadii ay horey ugu heshiiyeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran.

Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Garoowe u tegay sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Magaaladaas.

Shantii Xildhibaan ee ugu horreeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa shalay lagu doortay Xerada 54-aad ee Ciidamad oo ku taalla Garoowe, waxaana kuraasta qaarkood ee doorashada kusoo baxay xubno ka tirsan Maamulka Puntland.