Maxaa looga hadlay kulankii Madaxweyne Lafta-gareen iyo gudiyada oorashooyinka?

Madaxweynaha Koonfur Galbeed & Guddiyada doorashooyinka?
Madaxweynaha Koonfur Galbeed & Guddiyada doorashooyinka

BAYDHABO-AYAAMAHA-dMadaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa kulan looga hadlayey Arimaha Doorashooyinka Xildhibaanada Gollaha Shacabka la qaatay Gudiyada Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal (FIET) heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) iyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka.

Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska madaxweyne Lafta-gareen uu ku lahaa magaalada Beydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliaya .

Inta badan Kulankan ayaa diirada lagu saaray waxyaa baha keeni kara cabashada kasoo laabatay Doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee lagu qabtay Magaalada Baydhabo .

Dhanka kale Maxamed Xasan Cirro oo ah Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Federaalka (FEIT) oo Warbaahinta la hadlay kulanka kaddib waxa uu sheegay in dib u eegis lagu sameynayo kursiga tirsigiisu yahay HOP#103 oo doorashadiisu muran ka dhex dhaliyay Guddiga FEIT & SEIT Koofur Galbeed.