Maxaa looga hadlay kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirrada Waxbarashada Heer Federaal & Heer Dowlad-Goboleed?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirrada Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee dalka ayaa kala hadlay sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa dadaallada tayeynta iyo baahinta adeegyada waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirrada Dowlad-goboleedyada dalka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey baahiyaha waxbarasho ee jira iyo sidii heerarka kala duwan ee dowladda iskaga kaashan lahayeen suurta-gelinta kordhinta fursadaha waxbarashada, manhajka iyo imtixaanaadka shahaadiga ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay ka go’antahah tayeynta iyo kordhinta fursadaha waxbarasho, tirada macalimiinta iyo xarummaha waxbarashada.

“Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah oo tahay in caruurteennu ay helaan. Waxa ay nagu tahay waajib in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal anfaca dadkeena iyo dalkeena.”

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu yiri Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la hirgelinayo hindiseyaal lagu kordhinayo qoondada maaliyadeed ee waxbarashada, si ay fursaddo u helaan caruurta Soomaaliyeed ee gaaray da’da iskuulka iyo kuwa kale ee aan fursadaha helin una baahan tababarro dhanka xirfadaha ah.

Wasiirada Waxbarashada Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa ay isku raaceen in la qabto Shirweynaha dib u jiheynta waxbarashada, in dib u eegis lagu sameeyo sharciga waxbarashada dalka iyo siyaasada waxbarashada Qaranka iyo in Waalidiinta Soomaaliyeed laga qafiifiyo culeyska dhaqaalaha waxbarashada.