Maxaa looga hadlay kulankii Midowga Musharixiinta ee Xalay?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Mid kamid ah Hoteelada ku yaal magaalada Muqdisho waxaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay hoggaanka ugu sareeya Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.

Kulanka oo casha sharaf iyo xog-wareysi isugu jira ayaa waxaa ay Midowga Musharixiinta uga hadleen marxaladihii ugu dambeeyey ee xaaladda Dalka iyo Doorashooyinka la filayo dhawaan inay bilaabmaan.

Sidoo kale waxaa ay Midowga Musharixiinta falan qeeyeen dadaalii faraha badnaa oo ay geliyeen sidii loga hortegi lahaa muddo kororsiga ay Golaha Shacabka u sameeyeen Farmaajo, kaas oo guuleystay.

Ugu dambeyn Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay u mahad celiyeen dhamaan intii ka qeyb qaadatay ka hortagga muddo kororsiga oo ay ugu horreeyaan Ciidamada iyo Saamileyda Siyaasadeed ee dalka.

Kulanka gaarka ah oo Xubnaha Midowga Musharixiinta ay xalay yeesheen ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay la soo bandhigay Magacyada liiska xubnaha cabashada ay ka qabaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka Qaranka.