Maxaa looga hadlay Kulankii RW Rooble, Safiirka Mareykanka iyo Madaxda Galmudug & Hir-Shabeelle?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kulankaan oo hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayna ka qeyb galeen safiirka maraykanka Amb, Donald Yamamota, Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug & Hir-Shabeelle Axmed Kaariye QoorQoor iyo Cali Guudlaawe ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa kulanka looga hadlay  dardargalinta hanaanka Doorashooyinka Dalka ee dhawaan lagu heshiiyay lana filaayo inay ka dhacdo dalka.

Sidoo kale kulankaan waxaa looga hadlay Arrimaha Amniga iyo saameeynta la dhalatay  Fatahaada  uu Wabiga Shabeelle ka geystay degaannada Maamulka Hir-Shabeelle.

Warraka kulanka laga helay ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye laga dalbaday in uu soo dhameystiro Xubnaha Guddiga doorashooyinka maadaama maamulada kale ay soo Magacaabeen.

Labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland ayaa horey waxay soo magacaabeen guddiga doorashooyinka ee dhowaan lagu heshiiyey, waxaana weli laga sugayaa inay magacaabaan Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe.