Maxaa looga hadlay kulankii Sheek Shariif iyo Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya, mudane Alberto Vecchi oo soo booqday.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay marxaladda uu dalka ku jiro sida, Xaaladda Amniga dalka, Dedajinta doorashooyinka iyo Xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Shariif ayaa uga mahad celiyay kaalinta dowladda Talyaaniga ee dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa maalmaha waday wadatashi iyo howlaha la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo de dejin lahaa doorashada Soomaaliya.