Maxaa looga hadlay kulankii Telefonka ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka dalka Qatar?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in hoggaamiyaha Qatar uu uga tacsiyeeyay madaxweynaha dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotel Xayaat.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay tan iyo doorashadiisii khadka taleefanka kula hadlay Amiirka dalka Qatar Tamim Bin Xamad oo ay saaxib dhow ahaayeen Madaxweynihii isaga ka horreeyey ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dowladda Qatar ayaa madaxweynaha Soomaaliya u ballan qaaday inay gargaar caafimaad u fidin doonto dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Amiirka Qatar sida uu u garab taagan yahay Soomaaliya.