Maxaa looga hadlay kulankii Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeybgalay kulan muhiim ah, kaasi oo uu la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem.

Kulanka dhexmaray Wasiir Beyle iyo Hafez Ghanem ayaa waxaa diirada lagu saaray xaalada dhaqaalaha Soomaaliya, hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, saameynta  dhaqaale Covid-19 iyo mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka maalgeliyo ee Soomaaliya.

Inta uu socday kulanka labada mas’uul ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday socoshada taageerada Bangiga Adduunka ee wax ka qabashada saameynta COVID-19 ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo Masiibooyinka dabiiciga ah ee goboladeena qaar ka dhaca.

“Waxa aan diiradda saarnay dhameystirka hanaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo sidii socoshada taageerada Bangiga Adduunka ee wax ka qabashada saameynta COVID-19 ee dhaqaalaha Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Beyle oo ka hadlaayay kulanka dhacay.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Suleyman Sheekh Cumar, wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson iyo Madax sarsare oo ka tirsan Bangiga Adduunka iyo Hey’addaha Maaliyadda Adduunka ee Soomaaliya taageera.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa marar kala duwan kulamo looga hadlaayay dib-u-habeynta Maaliyadda dowladda la qaatay Madaxda ugu sareeeysa Bangiga Adduunka ee Qaaradda Afrika.