Maxaa looga hadlay Shirka Guddiga Amniga Qaran oo ka dhacay Villa Somalia?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaran oo Maanta ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada.

Shirka ayaa looga hadalay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda, dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta AS iyo qorshaha Soomaaliya ee shir looga hadlayo amniga dalka oo ay wadajir  u qabanayaan DFS, QM iyo Midowga Afrika.

Guddiga Amniga Qaranka oo warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeynayaan laamaha amniga, iyadoo sidoo kale lagu dhiirri geliyey Ciidanka Booliska ee u tababaran sida Milatariga dadaalka habeen iyo maalinta ah ee ay u bixinayaan amniga caasimadda.

Guddigu Amniga Qaranka ayaa bogaadiyay guulaha taariikhiga ah Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan xoreynta deegaanno badan oo ka tirsan Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, waxay adkeeyeen abaabulka iyo dhammeystirka wajiga 1-aad ee howlgalka oo horseedaya in laga sifeeyo Khawaarijta deegaannada ay kaga harsan yihiin Hirshabeelle iyo Galmudug.