Maxaa looga hadlay Shirkii Beesha Reer Aw-Xasan ee ugu socday Jigjiga?

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Shir ay soo qaban qaabiyeen Beesh Reer Aw-xasan ayaa lagu qabtay Magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana shirkan hogaaminaayey Masuuliyiinta heer deegaan iyo guddoomiyaha degmada Feerfeer.

Shirkaan ayaa looga hadlaayey arrrimaha degmada iyo sidii dowladda federaalka Itoobiya looga heli lahaa adeegyada aas-assiga ee ay degmada u baahan tahay, sida isbitaalo, xaruumo iskuul waxbarasho iyo hormarka guud ee degmada Feerfeer.

Shirka ayaa lagu go’aamiyey in la tayeeyo waxbarashada iyo caafimaadka, sidookalena sidii qurba joogta, aqoonyahanada iyo madaxda Reer-Awxsan ay uga qeyb qaadan lahaayeen hormarka degmada.

Demada Feerfeer ayaa waxay ku taala xuduudka u dhexeeya Soomaali iyo Itoobiya, waxaana xuduudkaas dhowr jeer kusoo noqnoqday dagaalo, waxaana la isla qaatay in madaxweynaha dowlad deegankana loogala hadlo sidii loo soo afjari lahaa dagaaladaas.

Shir weynaha lagu qabtay Magaalada Jigjiga ee Beel-weynta Reer Aw-Xasan ayaa waxaa laga soo saaray War-Murtiyeedkan hoos ku qoran.

1. Waxaa lagu heshiiye in Deegaanka Dib u dhis ballaaran lagu sameeyo

2. In Waxbarashada iyo Caafimaadka Deegaanka la tayeeyo.

3. In Qurba Joogto iyo Ganacsatada Deegaanka ka soo jeeda ay Maal Gashadaan deegaankooda

4. In Aqoon-yahanada iyo Dadka Waxbartay in ay ka qeyb-qaataan Horumarka Deegaanka iyo sidii Jahliga looga saari lahaa Ummada deegaanka

5. In laga qeyb qaato daa-dihinta Nidaamka Dowliga ah, iyo Dowlad wanaaga

6. In Si wanaagsan oo ixtiraam iyo is qadarin ku dheehan tahay lagula Noolaado dadyoowga in aynu Dariska nahay

7. In Laga Nabad-gelyada Deegaanka laga Shaqeeyo lagana Hortago wax kasta Amniga deegaanka wax u dhimaya 8. In Wax Beeraahada iyo Xaga Wax soo saarta Dalagyada Beeraha Xooga la saaro.